Home Wararka Gudaha Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay wada hadalada Taiwan iyo Somaliland

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay wada hadalada Taiwan iyo Somaliland

195
0

28 Feberaayo, (China-xog-ogaal) Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha, Cawaale Cali Kilane, ayaa cambaareeyay wada-hadallada u dhaxeeya Taiwan iyo Somaliland.

Ambassador Cawaale ayaa sidoo kale caro ka muujyay tallaabada Taiwan ay ku doonayso in ay xafiis wakiil uga furato gudaha  Somaliland, “Waanu cambaaraynaynaa qaabka ay Taiwan ula dhaqanto Somaliland, waxaanu mar walba ilaalin doonaa madax-banaanida qaranka Soomaaliya iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya haday tahay Taiwan ama cid kaleba. Habka Taiwan waa mid aad looga naxo marka laga eego macno ahaan sababtoo ah waxay abuuraysaa xasilooni darro ka dhacda Waqooyiga Soomaaliya,  iyo xasillooni darro ka dhacda gobolka iyada oo la samaynaysa xidhiidh diblomaasiyadeed gobol gooni-goosad ah,” ayuu yiri safiirka Soomaaliya ee Shiinaha.

Safiirka ayaa sheegay in heshiis xagga kheyraadka ah oo ay wada galeen Somaliland iyo Taiwan uu yahay heshiis aan waxba ka jirin, isagoo sheegay in aysan ogolaaneyn in Taiwan ama cid kasta oo isku dayda si ay u dhacaan kheyraadka Soomaaliya, iyagoo adeegsanaya heshiisyo been abuur ah. Kuwaas oo aan ilaalinayn sharciga caalamiga ah.

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha ayaa sheegay Taiwan oo Soomaaliya u aqoonsan tahay gobol kamid ah Shiinaha ay ka fogaato faro galinta ay ku hayso Soomaaliya arrimaheeda gudaha, labadii sano ee ugu dambeysay, Taiwan iyo Somaliland ayaa sameystay xiriir ay ku tilmaameen mid u dhaxeeya labo dal oo madax bannaan. Labada dhinac ayaa sameystay wakiillo kala matala.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.