Home Wararka Gudaha Dowladda Soomaaliya oo Baaq u dirtay Beelo ku dagaalamay Deegaanka Laanqaylo

Dowladda Soomaaliya oo Baaq u dirtay Beelo ku dagaalamay Deegaanka Laanqaylo

136
0

Arbaco 14-ta September 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshisiinta XFS ayaa waxaa ay baaq nabadeed u direysaa labo beelood oo ku dagaalamay deegaanka Laanqaylo oo 8 KM ujirta magaalada Xeraale gobolka galgaduud ee dowlad goboleedka Galmudug, wasaaraddu waxaa ay ugu baaqaysaa odayaasha dhaqanka, waxgaradka deegaanka iyo dowlad goboleedka Galmudug, in ay ka shaqeeyaan joojinta colaadda iyo nabadaynta beelaha wada dega deegaankaas.

Ugu dambayn, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, federaalka iyo Dib U Heshisiinta ayadoo ka xun colaadaha soo noq noqday ayaa waxay si gaar ah ugu boorineysaa beelahaas ay dirirtu dhax martay in ay ka dheeraadaan wax kasta oo kala fogeyn kara walaaltinnimada dhexdooda ah, dagaalkana ay joojiyaan isla markaana ay ka shaqeeyaan in colaadda laga gaaro nabad waarta.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.