Home Wararka Gudaha Dowladda Soomaaliya iyo Malaysia oo heshiis kala saxiixday

Dowladda Soomaaliya iyo Malaysia oo heshiis kala saxiixday

107
0

Talaado 27-da September 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xildhibaan Fardowsa Cusmaan Cigaal oo ku sugan magaalada Montreal ee dalka Canada, halkaas oo uu ka socdo shirka Hay’adda duulista hawada adduunka ee ICAO  ayaa kulan gaar ah la qaadatay dhigeeda Dalka Malaysia , Dr Wee Ka Siong, wada-hadalka gaarka ah ayaa looga hadlay sida ay labada dal iskaashi uga yeelan lahaayeen adeegyada Gaadiidka iyo Duulista, iyadoo kulanka uu goobjoog u ahaa Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya, Axmed Macallin Xasan.

“ Malaysia , waa mid ka mid ah waddamada  aan dooneyno iskaashi miro-dhal ah inan kala yeelano horumarinta adeegyada Gaadiidka iyo Duulista , waxaana si wadajir ah u xaqiijinay muhiimada ay labada dal arrintaas u leedahay ayay tiri“ Wasiir Fardowsa, waxaa ay intaa ku dartay Dawladda Malaysia inay Soomaaliya ka taageerrayso farsamada iyo khibrad -wadaag ay ku biirinayaan Hay’adda  Duulista Rayidka Soomaaliya.

Wasiirka Gaadiidka ee Malaysia , Dr Wee Ka Siong ayaa dhankiisa xaqiijiyay sida ay mudnaan u siinayaan iskaashiga Soomaaliya ee dhinacyada Gaadiidka iyo Duulista Hawada, inta uu socdo shir weynaha 41-aad ee Hay’adda duulista hawada adduunka ee ICAO, ayaa kulan doceedyo waxaa ay Wasiir Fardowso , la yeelan doontaa qaar ka mid ah wasiirrada , wakiillada iyo ururrada 193 waddan ee xubnaha ka ah ICAO oo ka qeybgalaya shirka.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.