Home Wararka Gudaha Dowladda Somalia oo sheegtay in xal laga gaarayo arrinta Gobolka Gedo

Dowladda Somalia oo sheegtay in xal laga gaarayo arrinta Gobolka Gedo

94
0

Khamiis 18-da August 2022, (Muqdishu-xog-ogaal) Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in khilaafka siyaa-sadeed ee ka jira Gobalka Gedo ay dowladda Soomaaliya u wajahayso qaab wada-hadal ah , waxa uu sheegay in arrinta gurmaddka loo sameynaayo dadka ay saameeyeen abaaraha ee ku nool degannada gobalka gedo aysan wax saamayn ah ku yeelaneen khilaafka jira muhiimna ay tahay in gurmad loo fidiyo dadkaasi.

Waxa uu intaa ku daray in ay ka shaqaynayaan sidii loo heshiisiin laha siyaasiyiinta gobalka gedo iyo madaxda maamulka jubbaland uu tilmaamay in ay sii kala fogeysay dowladdii talada haysay 5-tii sano ee la soo dhaafay, madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu kujiray olilihii doorashada uu ku guuleystay waxa uu ballan qaaday in uu ka shaqaynaayo sidii heshiis loo kala dhex dhigi lahaa dadka Soomaaliyeed uu khilaafka ka dhex jiro.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.