Home Wararka Gudaha Dowladda Somalia oo Maanta daahfurtay Barnaamij looga jawaabayo abaarta kajirta dalka

Dowladda Somalia oo Maanta daahfurtay Barnaamij looga jawaabayo abaarta kajirta dalka

157
0

Khamiis 16-ka June 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya  u qaabilsan gurmadka abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta daah furay Barnaamijka Gurmadka Degdega ah ee looga jawaabayo abaaraha dalka ka taagan, barnaamijka oo ay iska kaashadeen Hay’adaha Qaramada Midoobay ee IOM, WFP iyo UNICEF ayey maalgelisay Dawlada Ingiriiska, ergayga ayaa munaasabadii furitaanka u mahadceliyey Dawlada Ingiriiska, isagoo xusay in Dawladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xiriirinta iyo fududeeynta gargaarka lagu taakulaynayo dadka ay abaaruhu wax yeeleeyeen.

Wuxuu kaloo ergeyga ka mahadceliyey jawaabta degdeg aha ee ay dawladaha deeqaha bixiya iyo kuwa Qaramada Midoobay ka baxiyeen qayladhaantii ergayga, meelo badan oo kamid ah dalka Soomaaliya waxaa xilligaan kajira abaarto daran, iyada oo dowladda Soomaaliya & Hay’adaha Caalamiga ah ay ka gaabiyeen inay u gurmadaan dadka ay saameysay Abaarta.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.