Home Wararka Gudaha Dowladda Nigeria oo Taliye Cusub u soo magacaawday ciidanka ka jooga Soomaaliya

Dowladda Nigeria oo Taliye Cusub u soo magacaawday ciidanka ka jooga Soomaaliya

122
0

Arbaco 13-da July 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Ciidanka Booliska Nigeria ee qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS), ayaa bedelay taliyahoodii, iyaga oo  yeeshay taliye cusub, taliyaha loo soo magacaabay Ciidanka Booliska Nigeria ee ku sugan Somaalia  Mohammed Ibrahim ayaa la wareegay xilka taliyaha qeybta xilli kadib munaasabad xil wareejin ah oo ka dhacday magaalada Muqdisho.

Kaaliyaha Kormeeraha Guud ee Bilayska Augustine Kailie ayaa ku ammaanay taliyihii hore ee xilka ka degaya iyo kooxdiisa sidii sharaf, xirfada iyo geesinimada laheyd oo ay ugu adeegeen Shacabka si ay u horumariyaan waajibaadka ATMIS, “Caqabado ayaan ku soo marnay Jowhar iyo Beledweyne balse waan ka gudubnay. Waad ku mahadsan yihiin adeegga loo qabtay dadka Soomaaliyeed. Markaan dalkeena ku laabanyo ayaa  la wadaag khibradeena ayuu yiri” Augustine Kailie.

Taliyihii hore ee xil wareejiyay Ita ayaa u mahadceliyey saraakiishii uu ku amray in ay horumariyaan waajibaadka howlgalka, in kasta oo ay carqaladeeyeen masiibada COVID-19, in kastoo  ay bixiyeen amni ku filan inta lagu guda jiro doorashooyinka qaranka ee dhawaan la soo gabagabeeyay, “guusha ugu weyn ee aan gaaray tan iyo markii aan halkan imid waxay ahayd ka qayb galka doorashooyinkii dhammaatay taasoo keentay in la doorto xubnaha baarlamaanka, guddoomiyeyaasha iyo madaxweynaha,” ayuu yiri taliyihii hore ee ciidamada booliska Nigeria ee jooga Soomaaliya.

159 Askari oo ka tirsan ciidamada Nigeria ee dhameystay socdaalkooda shaqo waxay ku hoos shaqeynayeen waajibaadka AMISOM/ATMIS tan iyo bishii Maarso 2021, waxaana saraakiisha horkaceysay  la guddoonsiiyay billado iyo shahaadooyin, taliyaha Cusub ee Ciidamada Nigeria Maxamed  Ibraahim, ayaa ku amaanay ATMIS militariga, booliiska iyo qaybaha rayidka horumarka laga gaaray fulinta waajibaadka howlgalka ATMIS ee Soomaaliya, ciidamada ka socda Nigeria ayaa fure u ah taageeradda tayaynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed (SPF) iyo in si buuxda mas’uuliyadaha amniga loogu wareejiyo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.