Home Wararka Gudaha Dowladda Mareykanka oo Ruushka u jeedisay eedayn culus oo la xiriirta arrimaha...

Dowladda Mareykanka oo Ruushka u jeedisay eedayn culus oo la xiriirta arrimaha Soomaaliya

142
0

Jimce 26-ta August 2022, (Muqdisho-xog-ogaal) Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ku eedeysay Ruushka in duulaanka uu ku qaaday dalka Yukreyn uu saameyn xun ku yeeshay Soomaaliya, qoraal kooban oo safaaradda ay soo dhigtay barteeda twitter-ka ayaa lagu sheegay in dagaalkaas uu kasii daray xaaladda abaarta ka jirta Soomaaliya oo malaayin qof ay gaajo darteed qarka u saaran yihiin macluul.

“Dagaalka aan loo meel dayin ee Ruushku ee ka dhanka ah Yukreyn ayaa saameynta xun ee abaarata ka jirta Soomaaliya ka dhigay mid kasii darran” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda, sidoo kale qoraalka ayaa lagu yiri “Iskaashiga hay’adda USAID kala dhaxeeya hay’adda WFP ayaa maalgelinaya soo dhoofinta iyo keydinta qamadiga Yukreyn oo caawinaya jawaabaha bani’aadaminimo ee ku wajahan malaayiin qof oo halis ugu jira macluul”.

Qoraalka ayaa waxaa lasoo raaciyey muuqaal muujinaya sida Ruushka u xanibay haruurkii ka iman jiray Yukreyn oo ay ku tiirsanaayeen dalal badan oo Afrika ka mid ah oo Soomaaliya ay ku jirto, taasi oo gaajo dhaxalsiisay malaayiin qof, Ruushka ayaa horey loogu eedeeyey inuu duqeeyey dekedaha dalka Yukreyn ee qamadiga laga soo dhoofin jiray, sidoo kalena xayiraado dhanka gaadiidka iyo badda ah saaray qaarkood, taasi oo hakisay haruurkii ka iman jiray Yukreyn.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.