Isniin 1-da August 2022, (Adis-ababa-xog-ogaal) Dowladda Mareykanka ayaa ka digtay in Al-shabaab ay u badantahay inay qorsheynayaan weeraro kale oo ay ka geystaan Itoobiya bilaha soo socda, ku dhawaad 500 oo dagaalyahano ah oo ka tirsan Al-shabaab ayaa todobaadkii hore markii ugu horeysay u gudbay bariga dalka Itoobiya, iyaga oo xuduudka kula dagaalamay ciidamada Itoobiya, Mareykanka wuxuu sheegay inay Al-shabaab gudaha u galeen Itoobiya ilaa 150 kiiloomitir ka hor inta aan la joojin.
“Waxay u muuqataa in Itoobiyaanku ay si weyn u xakameeyeen oo ay jabiyeen duulaanka” ayuu yiri Jeneral Stephen Townsend oo ah taliyaha xilka ka tagaya ee taliska Mareykanka ee Afrika mar uu la hadlayay waaxda difaaca Mareykanka, hal sano ka hor ayey aheyd markii amiirka Al-shabaab Axmed Diiriye uu ku baaqay in xoogga la saaro weerarada dibadda iyo in la kordhiyo bartilmaameedyada reer galbeedka ku sugan Geeska Afrika.
Sida lagu sheegay xog sirdoon oo ay wadaagaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay Al-shabaab waxay heysataa inta u dhaxeysa 7,000 ilaa 12,000 oo dagaalame, waxayna ku kharash garaya 24 milyan oo doolar sanadkiiba.