Home Wararka Dibadda Dowladda Kenya oo xukun ku riday Mas’uuliyiin lagu helay musuq maasuq

Dowladda Kenya oo xukun ku riday Mas’uuliyiin lagu helay musuq maasuq

128
0

Arbaco 13-da July 2022, (Nariobi-xog-ogaal) Maxkamadda dalka Kenya ayaa Maanta waxaa ay xukun xabsi 12 sano ah ku riday madaxii hore ee waaxda maaliyadda Jimmy Kiamba iyo xoghayihii maamulkii barasaabkii koowaad ee Nairobi Evans Kidero oo lagu magacaabo Lilian Ndegwa, labadaan mas’uul ayaa Maxkamadda dalka kenya waxaa ay ku heshay kiis la xiriira musuq maasuq ay ku kaceen intii ay xilalka hayeen taas oo la ogaaday markii baaritaano lau sameeyay.

Garsoore Esther Maina ayaa sheegtay in Mr. Kiamba iyo Ms Ndegwa ay u furan tahay inay bixiyaan ganaax lacageed oo dhan 9.6 milyan oo shilin, waxaana sidoo kale Waaxda dacwad oogidda ay sheegtay in intii uu Kidero hoggaaminayay Nairobi , qandaraasyo la bixiyay lagu lumiyay 18 milyan oo shilin, dadwqeynaha dalka kenya iyo siyaasiyiinta qaarkood ayaa soo dhaweeyay xukunka lagu riday labadaan mas’uul,iyaga oo sheegay inay feejignaan muujin doonaan mas’uuliyiinta kale ee xilalka ka haya dowladda kenya.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.