Home Arrimaha Bulshada Dowladda Kenya oo sheegtay inay dishay 10 kamid ah Al-Shabaab.

Dowladda Kenya oo sheegtay inay dishay 10 kamid ah Al-Shabaab.

263
0

Sabti 2-da July 2022, (Nariobi-xog-ogaal) Dowlada Kenya ayaa sheegay inay dileen 10 qof oo looga shakisan yahay Alshabaab, kaddib howlgal ammaan oo ay ka sameeyeen deegaannada Sariira iyo Kulbiyow ee ka tirsan Keymaha Boni ee degmada Lamu ee gobolka Xeebta,ciidamada Difaaca Kenya ee KDF ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in qaar kale ay baxsadeen iyadoo howlgalkaas uu ka dhacay xadka Lamu iyo Soomaaliya. KDF ayaa intaas ku daray inay howlgallo dhowr ah ka wadaan xadka.

Waxay sidoo kale sheegeen in dadkan la dilay iyagoo isku dayaya inay u soo gudbaan dhanka Kenya. Arrintan ayaa imaaneysa afar bilood kaddib markii isla deegaankaasi dagaal ka dhacay ay ku dhinteen afar Alshabaab ka tirsan, majirto wax war ah oo kooxda Shabaab ay ka soo saartay sheegashada Kenya ee ah iney howlgal ku dileen 10 kamid ah dagaal yahanada Shabaab oo khatar ku haya amaanka dalkaasi.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.