Talaado 6-da September 2022,(Nairobi-Xog-ogaal) Dowladda Kenya ayaa tan Maraykanka ku wareejisay Cabdi Xuseen Axmed oo muddo dheer uu Maraykanka doondoonayey, ciidanka Kenya ayaa ninkani kasoo qabtay degmada Meru, gaar ahaan magaalada jaadka laga raro ee Maua, waxaana haatan loo duuliyay dalka Maraykanka, halkaas oo ay uga bilaabanayso maxkamad, ninkan ayaa loo haystaa ugaarsiga sharcidarada ah ee duurjoogta sida maroodiga iyo wiyisha, isaga oo foolka ka iibsanayay dad jooga Maraykanka iyo meelo kale sida warka lagu sheegay.
Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in Cabdi Xuseen uu ugaarsigan ka sameeyay lacag dhan $7 milyan oo doollar, isaga oo maroodiyo badan ku laayay wax ka badan 6 dal oo Afrika ku yaala, wuxuu dilay 100 maroodi iyo 35 wiyil, kuwaas oo ku kala dhaqnaa Kenya, Yugandha, Tanzania, Congo, Mozambique iyo Senegal, sida ay sheegtay wakaaladda ka hortagga daroogada Mareykanka ee DEA oo madaxiisa saartay lacag badan oo abaalmarin ah ciddii soo sheegtay.