Home Arrimaha Bulshada Dowladda Iran oo dammaanad ku xirtay dhaqan-gelinta heshiiskii hubka Nukliyeerka

Dowladda Iran oo dammaanad ku xirtay dhaqan-gelinta heshiiskii hubka Nukliyeerka

252
0

Sabti 13-da August 2022, (Iran-xog-ogaal) Mas’uuliyiinta waddanka Iran ayaa sheegay in ay aqbalayaan hindisaha Midawga Yurub ee ah in dib loo dhaqangeliyo heshiiskii laga gaaray hubka Nukliyeerka ee dalka Iran sannadkii 2015, haddii la helo cid dammaanad qaadda fulinta heshiiskaas, midawga Yurub ayaa maalmo ka hor sheegay in ay soo saareen qoraalka rasmiga ah ee heshiiska, ka dib afar maalmood oo ay wadahadalo aan toos ahayni uga socdeen magaalada Vienna, saraakiil kala metelaysay Maraykanka iyo Iran.

Mas’uul sare oo ka tirsan Midawga Yurub ayaa sheegay in aan heshiiskan lagu samayn doonin wax ka bedel cusub, islamarkaana ay soo qaadatay muddo 15 bilood ah in gorgortan laga sameeyo si loo soo saaro qoraal heshiis lagu yahay, sarkaalkaas ka tirsan Midawga Yurub ayaa xaqiijiyay in toddobaadyada soo socda la gaari doono heshiiska ugu dambeeya ee arrimaha la xiriira hubka Nukliyeerka ee dalka Iran.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.