Home Wararka Gudaha Dowladda Ingiriiska: Siyaasad-eenu waxay ku qotontaa in dow- ladda Soomaliya iyo maamulka

Dowladda Ingiriiska: Siyaasad-eenu waxay ku qotontaa in dow- ladda Soomaliya iyo maamulka

135
0

(London-Xog-ogaal) Wasiirka dowlada Ingiriiska uqaabilsan arrimaha Afrika xildhibaan Vicky Ford ayaa sheegtay in dowladeeda anay u qorshays-nayn in ay Somaliland aqoonsi siiso, isla mark-aana arrinta aqoonsiga Somaliland ay u taalo Somaliland iyo Soomaaliya iyo waddamada ja-arka la ah, wasiir Vicky oo u jawaabaysa warq-ad uu xildhibaan  Danny Kruger u diray 17 Sep-tember oo uu wax kaga waydiiyey aqoonsiga Somaliland, ayaa sheegtay in UK beesha caal-amka kala midtahay arrinta aqoonsiga Somaliland, ayna tahay in Somaliland iyo Soomaaliya loo daayo inay go’aan ka gaaraan mustaqbalkooda.

“Sida aad ogtahay Ingiriiska waxay kala simant-ahay beesha caalamka in aanay Somaliland u aqoo-nsanin qaran madaxbannaan, siyaasadayadu waxay ku qotontaa in Somaliland iyo So-malia ay go’aan ka gaaraan mustaqbalkooda iyo in waddama jaarka la ihi ay arrintaa hogaankeeda yeeshaan, waanuna joogtaynaynaa taageeradayada wadahadalada Somaliland iyo Soomaliya” ayey tiri wasiir Vicky.

Vicky ayaa sheegtay intaa badal keeda Ingir-iisku uu joogtaynayo xiriirka diblumaasiyadeed ee uu Somaliland la leeyahay, iyo taageerada uu siiyo, “Si kastaba ha ahaatee, Ingiriiska  wa-xay joogtayneyaan joogitaankooda ma guuraan ka ah ee dibulumaasiyeed ee Hargaysa, taage-erada UK na waa muhiim, waxaana kamid ah, taagerada kaabayaasha dhaqaalaha, wado ganacsiyeedka wayn ee Geeska Afrika ee isku xira Berbera iyo Itoobiya, taageerada la dagaa-lanka argagixisada, tababarka booliiska iyo ciid-anka badda iyo caddaaladda” ayey tiri wasiir Vicky.

Waxay sheegtay in Ingiriiska ku faraxsantahay xiriirka taariikhiga ah ee ay Somaliland la lee-dahay, iyo in Somaliland tahay meel guulaysa-tay oo sifiican loo maamulay, “Ingiriiska waxay ku raaxeysatay xiriir ka diiran ee taariikhiga ah ee ay Somaliland la leedahay, waxaana ka go’-an taageerida barwaaqo la wadaago iyo amma-an ay la yeelato dadka ku dhaqan deegaanada Soomaalida, Ingiriiska aad bay u xiisaynaynaa in Somaliland ay tahay qayb guulaysatay isla markaana, sifiican loo maamulay oo Soomaa-liya ka mid ah” ayey tiri wasiir Vicky.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.