Khamiis 21-da July 2022, (Nariobi-xog-ogaal) Dowladda Ingiriiska oo dowladda Kenya ka taageeraysa xoojinta dagaalka ay Kenya kula jirto Al-Shabaab ayaa malaayiin dollar ku taageertay xarun loogu talagalay inay ku hawl galaan Ciidamada Booliska la dagaalaka Argagixisada ee loo yaqaan ATPU, xaruntaan oo loo dhisay qaab casri ah ayaa laga hirgaliyay gobbolka Xeebta ah ee Mombasa, waxaana ku yaalla xafiisyo & meelo lagu hayo xubnaha lasoo qabto.
Gobbolka Xeebta ee Kenya ayaa kamid ah meelaha ay xoogaga Al-Shabaab kasoo qaadaan weerarada ay la beegsadaan Ciidamada dowladda Kenya, waxaana ka mid ah dalalka ka qayb-qaata la dagaalanka Al-Shabaab, si ay taageero uga heshaa dowladaha waa weyn, sida Ingiriiska iyo Mareykanka oo saldhig ku leh dalkaasi.