Home Wararka Gudaha Dowladda Federaalka oo xirtay terminaalka garoonka Aadan Cadde ee ay isticmaalaan duulimaadyada...

Dowladda Federaalka oo xirtay terminaalka garoonka Aadan Cadde ee ay isticmaalaan duulimaadyada UNKA iyo AMISOM…

208
0

(Mogadishu-xog-ogaal) Dowladda Soomaaliya ayaa illaa amar dambe albaabada u laabtay Terminalka Movcon oo ay isticmaalaan hay’addaha Qaramada Midoobey, AMISOM iyo Safaaradaha reer Galbeedka.

Go’aankaan ayaa lagu sheegay warqad rasmi ah oo kasoo baxday wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, iyadoo lagu faafiyay internetka

Dhammaan duulimaadyada dalka ka baxaya iyo kuwa soo galaya ayaa la faray inay isticmaalaan Terminaalada qeybaha gudaha, caalamiga iyo qeybta VIP-da.

Lama oga goorta uu sii jiridoono go’aankaan.

Go’aanka ayaa lagu wargaliyay shirkadda Favori ee maamusha garoonka Aadan Cadde, booliiska ka howgalla garoonka, NISA qeybta garoonka iyo hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha.

Waa markii ugu horraysay oo go’aan nuucaan ah ay dowladdu qaadato,  wuxuuna kusoo aadayaa xilli uu jiro mad madow soo kala dhex galay dowladda Soomaaliya iyo AMISOM, kaasoo salka ku haya mustaqbalka howlgalka AMISOM.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.