Isniin 22-da August 2022,(Muqdisho-xog-ogaal) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-uheshiisiinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa shalay la kulmay danjiraha Dowlada UK u fadhiya Soomaaliya Mrs. Kate Foster, wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay iskaashiga xasilinta Amniga deegaanada laga saaray Ururka Al-Shabab iyo wax ka qabashada abaaraha kajira meelo kamid ah dalka.
Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay cid kasta kala kaashato sugida Amniga iyo ka xoreynta Al-Shabaab guud ahaan dalka sida uu yiri, danjiraha Dowlada UK u fadhiya Soomaaliya Mrs. Kate Foster ayaa dhankeeda sheegtay in ay diyaar u yihiin in dowladda Soomaaliya kala shaqeeyaan sugida iyo xasilinta Amniga dalka, Isla markaana ay si wanaagsan ula Shaqeyn doonaan dowladda cusub ee Soomaaliya,dowladda Ingitiiska ayaa kamid ah dowladaha dhinaca Amniga ka taageera Soomaaliya, waxaana ay tababar siisaa qaar kamid ah Ciidamada xoogga dalka ee lagu tababaro degaannada Koonfur Galbeed, kuwaas oo la dagaalamo Al-Shabaab.