Home Wararka Gudaha Dowladd Soomaliya oo jawaab ka bixisay go’aankii G/Ammaanka ee Q/midoobay uu ku...

Dowladd Soomaliya oo jawaab ka bixisay go’aankii G/Ammaanka ee Q/midoobay uu ku kordhiyey

138
0

(New York-Xog-ogaal) Danjiraha Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya Amb. Abuukar Daahir Cismaan Baalle ayaa ka hadlay go’aa-nkii uu Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu markale dib ugu cusbooneysiiyey cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, danjire Baalle ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya awood buuxda loo siiyay in hub walba oo galaya guda-ha Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland inay ogaato, xilli go’aanka Golaha Amaanka ee Qar-amada Midoobay uu dhigayo in Soomaaliya sii saarnaato muddo sanad ah xayiraada hubka.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay muhiim tahay in xilligan la qaado dhamaan tallaabooyinka cunaqabateynta ee saaran Soomaaliya, taasi oo lagu soo rogay tan iyo 1992, sanad kadib markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya, xilligaas oo uu hubkii dowladda uu gacanta u galay dad shacab ah, “Waxaan carabka ku adkey-naynaa muhiimadda ay leedahay in la ogaado halbe-egyada si cad loo qeexay, waaqici ah iyo kuwa la qiyaasi karo, iyada oo lala tashanayo Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, in si buuxda looga qaado dhammaan tallaabooyinka cunaqabateynta ee saaran Soomaaliya” ayuu yiri danjire Baalle.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sanadihii u dambeeyay sii cusbooneysiinayay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, gaar ahaan  xayiraadda ka saaran soo iibasashada hubka culculus, waxa ay goluhu tilmaameen in sidoo kale ay mamnuuc tahay ka iibinta ama u daabulka Soomaaliya walxaha qarxa iyo dhoofinta dhuxusha oo la sheego inay dhaqaale ka hesho Al-shabaab.

Sidoo kale Golaha ammaanka ayaa sheegay in hubka qarsoodiga ah ee gacanta u gala Alshabaab, uu xadgudub ku yahay cunno-qabteynta hubka ee Qaramada Midoobay kusoo rogtay Soomaaliya sida warka lagu sheegay, golaha ayaa qaba inay weli ay sii wadaan carqaladeynta xasiloonida Soomaaliya dhaqdhaqaaqa Al-shabaab, waxayna dowladda federaalka ugu baaqeen inay xoojiso dagaalka ka dhan ah kooxahaas, si loo wiiqo awoodooda.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.