Home Wararka Dibadda Dowladaha Mareykanka iyo Ruushka oo kawa hadlaya dad u xiran

Dowladaha Mareykanka iyo Ruushka oo kawa hadlaya dad u xiran

166
0

Khamiis 28-da July 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Xoghayaha Arrimaha Debedda ee dalka Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay inuu la hadli doono dhiggiisa dalka Ruushka Sergey Lavrov maalmaha soo socda isaga oo u gudbin doona dalab “wax ku ool ah” oo looga gol leeyahay in lagu soo daayo xiddiga kubbadda koleyga ee Mareykanka ee Brittney Griner iyo Paul Whelan oo hore uga tirsanaan jiray ciidamada badda ee Mareykanka, kuwaas oo haatan ku xiran dalka Ruushka, arrimaha kale ee la filayo inay ka wada hadlaan Blinken iyo Lavrov waxaa ka mid ah, hirgelinta heshiiska dib loogu soo celinayo sareenka laga dhoofiyo dekedaha Badda Madow ee dalka Ukraine iyo weliba xiisadda ka taagan dalkaasi.

Labadan Wasiir ayaan wada hadlin muddo ku siman 5 bilood, waxaana wadahadalkoodii ugu dambeeyey ee ay si toosa u wada hadlaan uu ahaa 15-kii bishii February ee sannadkan, maalmo ka hor uun duullaankii uu Ruushku ku qaaday dalka Ukraine, shir jaraa’id oo uu qabtay Arbacadii, ayuu xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanku ku sheegay in Washington ay xiriir la samaysay dalka Ruushka iyada oo u soo bandhigtay dalab “wax ku ool ah” si loo sii daayo labada muwaadin ee u dhashay dalka Maraykanka ee haatan gacanta ugu jira dawladda Ruushka, hase ahaatee Xoghaye Blinken wuxuu diiday inuu faahfaahin ka bixiyo nooca dalabka ay u bandhigeen dalka Ruushka.

Ginger oo tagtay dalka Ruushka bishii February ee sannadkan ayaa xabsiga la dhigay, iyada oo la sheegay in laga helay shandadeeda, caagado ay ku jiraan, saliid laga sameeyey xashiishadda, sidoo kale Whelan oo ah madaxa fulinta amniga ee shirkad ku taalla gobolka Michigan ayaa isna loo haystaa eedo la xidhiidha basaasnimo, inkasta oo qoyskiisu ay sheegeen in eeddaasi ay tahay been abuur. Whelan ayaa lagu hayaa dalka Ruushka tan iyo sannadkii 2018.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.