Home Wararka Gudaha Dowlada oo Diyaaradii ugu horeesay 30-Sano kadib siisay Shahaadada Duulimaadka (Sawirro)

Dowlada oo Diyaaradii ugu horeesay 30-Sano kadib siisay Shahaadada Duulimaadka (Sawirro)

120
0

(Mogadihsu-Xog-ogaal) Rooble ayaa ka qeyb galay xaflad lagu daahfurayay shahaaddo bixinta Duullimaadka hawada ee (AOC), iyadoo dowladda  maanta shahaaddadii duullimaadka siisay diyaaraddii ugu horreysay 30 sano ka dib.

Rooble ayaana shahaaddada duullimaadka hawada iyo rukhsadda duuliyenimo guddoonsiiyay shirkadda diyaaradaha ee Freedom Air iyo duuliyeyaal Soomaaliyeed, ka dib markii  lagu daahfurayay bixinta Shahaadooyinka Duullimaadyada hawada (OAC).

Ra’isul Wasaare Rooble ayaana guul weyn ku tilmaamay in maanta dowlada bixiso 30-sano kadib Shahaadooyinka Duullimaadyada hawada, waxa uuna ugu baaqay shirkadaha diyaaradaha in ay qaataan shahaadada si ay shaqadooda usii wataan.

Shirkadaha Diyaaradaha Soomaaliya ee ka howlga dalka ayaan horey u heesan rukhsad duulimaad iyadoo sidoo kale duuliyaasha diyaaradaha iyana aysan heysan rukhsadda duuliyenimo ee looga baahnaa.

 

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.