Home Wararka Gudaha Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Toddobaadka soo socda bilaabanaysa

Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Toddobaadka soo socda bilaabanaysa

178
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in todobaadka soo socda ay bilaaban doonaan doorashada Golaha Shacabka ee xildhibaanada gobolada Waqooyi.

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegeen inay ku ballameen  guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka inay dedejiyaan doorashada 46-ka Xildhibaan ee Gobollada Waqooyi ku metalaya Aqalka Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Doorashada xildhibaanada golaha shacabka oo dhowr jeer jadwalkeeda dib u dhacay ayaa la rajeynayaa inay bilaabato bishan aynu kujirno ee Oktoobar iyadoo magaalooyin kamid ah goobaha lagu qabanayo doorashada la geeyay ciidamo Boolis ah oo ka socda AMISOM.

Doorashada Golaha Shacabka oo la qorsheeyay in ay magaalooyin badan ay ka dhacdo ayaa waxaa xildhibaanada dooran doona 101 ergo oo ka kala imanaya beelaha Soomaaliyeed.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.