Home Wararka Gudaha Doorashada kursi kamid ah Golaha Shacabka oo Maanta ka dhacday Kismaayo

Doorashada kursi kamid ah Golaha Shacabka oo Maanta ka dhacday Kismaayo

161
0

Isniin 18-da April 2022, (Kismaayo-xog-ogaal) Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Maamulka Jubbaland ayaa Maanta magaalada kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ku qabtay doorashada Kursiga Hop#079.

Kursigaan ayaa waxaa horay loogu doortay dhawaana ka geeriyooday Alle ha u Naxariistee Muxamed Maxamed Kuuloow oo ku geeriyooday magaalada Nairobi, waxaana maanta loo doortay Xildhibaan Xassan Budul Cali, doorashada Kursiga Hop#079 ee Maanta ka dhacday Ksimaayo ayaa waxaa ku tartami lahaa Xildhibaanka ku guuleystay ee Xassan Budul Cali iyo Cilmi Barre Cabdi oo tartanka ka tanaasulay.

Guddoomiyaha guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland Dr Siyaad Maxamed Mursal oo natiijada ku dhawaaqay ayaa sheegay in doorashada kursiga Hop#079 oo ku guuleystay Xildhibaan Xassan Budul Cali,maamulka Jubbaland ayaa waxaa kaliya u harsan doorashada 16 kursi, taas oo ka dhaceysa dhawaan degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo kadib markii laga soo wareejiyay Magaalada Garbahaareey oo ah degaan doorashada labaad ee Jubbaland.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.