Home Wararka Gudaha Doorashada Kuraasta Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi oo bilaabatay

Doorashada Kuraasta Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi oo bilaabatay

70
0

Waxaa goordhowe Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Janeraal Kahiye ka billowday doorashada laba kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ku matalaya Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Musharixiinta labada kursi oo Afar gaaraya ayaa waxaa ugu caansan Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka dalka Mahdi Guuleed iyo Biixi Iiman Cige oo Afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay kursiga Golaha Shacabka.

101 Ergo oo la soo xulay ayaa codeyneysa si ay labada Xildhibaan ee Maanta la doonayo u doortaan, waxaana labadaan kursi ay noqonayaan labadii Xildhibaan ee ugu horreeyay Golaha Shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here