3 Maarso, ( Baydhabo-xog-ogaal) Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa goordhow ka bilaabatay doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka, iyada oo la doortay kursigii ugu horreeyay ee dorashada Maanta.
Kursiga Koowaad ee doorashadii Maanta ee Hop#253, kaas oo ay horay ugu fadhisay Samra Ibraahim Cumar ayaa waxaa ku guuleystay Aadan Maxamed Cali oo helay codad gaaraya 70-cod halka musharaxii la tartamayey ee Cabduqaadir Ibraahim Buule uu helay 21-cod, waxaana halaabay 1 Cod.
Doorashada ayaa weli ka socota Magaalada Baydhabo, iyada oo maanta qorshuhu yahay in la doorto ilaa lix kursi oo kamid ah Golaha Shacabka.
Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana Goobta doorashada goobjoog ka ah Xubno ka socda Gudiga doorashooyinka Heer Federaal iyo xalinta khilaafaadka.