Home Wararka Gudaha Doorashada Aqalka sare ee ka dhineyd Galmudug oo maanta lagu soo gabagabeyn...

Doorashada Aqalka sare ee ka dhineyd Galmudug oo maanta lagu soo gabagabeyn doono magaalada Dhuusamareeb

126
0

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug lagu qabto doorashada laba ka mid ah 8-da kursi ee Aqalka sare ee deegaan doorashadooda tahay Galmudug.

Mudanayaasha Baarlamaanka Galmudug ayaa dooran doona afar Musharax oo u taagan qabashada labada kursi ee ka dhineyd kuraasta Aqalka sare Xubnaha Galmudug uga mid noqoya Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Kuraasta maanta lagu dooran doono Dhuusamareeb waxaa kuwada tartami doona kursiga koowaad Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ahaa Senatarkii kursiga ku fadhiyay afartii sano ee soo dhamaatay iyo Cawil Nuur Cali waxaana la filaya in kursigaas markale uu kuso laaban doono Senatar Cabdi Qeybdiid.

Kursiga labaadna waxaa ku wada tartami doona Musharaxiinta kala ah Cabdi Cismaan Xareed iyo Mahad Aadan Guuleed, waxaana la sii saadaalinaya in kursigaan labaad uu kusoo bixi doono Cabdi Cismaan Xareed.

Labadan kursi ee maanta la dooran doono ayaa noqonaya kuwii ugu dambeeyay ee ka harsanaa 54 kursi ee uu ka kooban yahay aqalka sare iyadoo horey loo doortay 52 kursi.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.