Home Wararka Gudaha Doon lagu rasaaseeyay Gobolka Shabeelaha hoose iyo khasaare ka dhashay

Doon lagu rasaaseeyay Gobolka Shabeelaha hoose iyo khasaare ka dhashay

271
0

(Marka-X-g-ogaal) Sida ay sheegayaan wararka laga helayo deegaanka Gandershe ee gobolka Shabeelaha hoose ciidamo ka tirsan dagaalyahanada Al-shabaab ayaa tacshiirad huwiyey doon mareysay xeebta Gendarshe, waxaana ka dhashay weerarkaasi khasaare nafeed.

Guddoomiyihii hore ee degmada Marko Max’ed Cismaan Yariisow oo dhacdadan ka hadlay ayaa sheegay in doonta ay lahaayeen kalluumeysato Soomaaliyeed oo badda ka jilaabanayey, wuxuuna intaasi ku daray in naaquudihii doonta uu ku dhintay rasaasta lagu furay doonta, waxaana ku dhaawacmay labo ruux oo kale.

Sidoo kale Guddoomiye Yariisow waxa uu sheegay in doonta ay ku dhawaatay meelo ay xeebta uga suganyihiin Al-shabaab, taas oo keenay inay ka shakiyaan ka dibna ay rasaas ooda kaga qaadeen, isagoo intaasi ku daray in shaki un ay aheyd rasaasta la huwiyey doonta.

Dhinaca kale guddoomiyaha magaalada Marko C/laahi Cali Axmed oo ka hadlay sare u kaca maciisha magaalada Marko ayaa sheegay in sababta keentay sare u kaca maciishadda ay tahay waddooyinka magaalada soo gala oo xiran, isagoo yiri “Dowladdu waxay amartay in wadada xeebta marta ay xirantahay, Al-shabaabna waxay ku dhawaaqeen inay xirantahay wadada kale ee xagga Janaale marta, muddo 5 ilaa 6 maalmood ka hor, taas ayaana sababtay in maciishadu kacdo”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.