Home Wararka Gudaha Diyaarado duqeyn ka geystay degaano katirsan Gobolka Hiiraan

Diyaarado duqeyn ka geystay degaano katirsan Gobolka Hiiraan

168
0

Axad 7-da August 2022, (Matabaan-xog-ogaal) Wararka aanu ka helnay Gobolka hiiraan ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay  duqeymo ka wadaan deegaano hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, diyaaradaha ayaa lasoo sheegaya in duqeymaha ay ka geysanayaan deegaanada Qabno iyo Buurta Surtaag oo ah deegaano hoostaga degmada Matabaan ayaa la rumeysan yahay iney leedahay dowladda Itoobiya oo dhawaan duqeymo noocaan oo kale ah ka geystay deegaanka Coomaad ee gobolka Hiiraan.

Duqeynta diyaaradaha ayaa lasoo sheegaya in si gaar ah uga dhacday Saldhigyo Al-shabaab ku leeyihiin Buurta surtaag iyo Qabno, waxaana la tilmaamay in diyaaradaha duqeynta geystay ay joog hoose ku socdeen, dadka deegaanka waxay sheegeen in weli maqlayo jugta qaraxyada madaafiicda ay tuurayaan diyaaradaha Itoobiya ee duqeymaha geysanaya, lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeymaha ay geysanayaan diyaaradaha dagaalka ee dowladda Itoobiya deegaanada hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, waxaana sii kordhaya cabsida ay qabaan dadka ku nool deegaanada hoostaga degmada Matabaan oo ay markii labaad mudo kooban gudaheed diyaaradaha Itoobiya duqeymo ka geysanayaan deegaanadaasi.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.