Home Wararka Gudaha Diyaarado duqeyn ka geystay deegaan ka tirsan gobolka Hiiraan

Diyaarado duqeyn ka geystay deegaan ka tirsan gobolka Hiiraan

153
0

Axad 31-da July 2022, (Matabaan-Xog-ogaal) Wararka naga soo gaaraya deegaanka Coomaad oo hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay duqeyn ka geysteen diyaarado dagaal, deegaanka Coomaad ayaa waxaa ku sugan xubno ka tirsan Al-shabaab, waxaana la sheegay in duqeynta laal beegsaday saldhigyada Al-shabaab ee deegaanka Comaad, sida dadka degaanka ay sheegeen, lama oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaalka, waxaana wararka ay intaasi kudarayaan in xilliga duqeynta ay dhaceysay ay dhaq dhaqaaqyo ciidan wadeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Dad diiday in mgacooda iyo codkooda loo adeegsado qalabka warbaahinta ayaa sheegay inay maqlayen jugta duqeynta balse aysan weli kala cadeyn khasaaraha ka soo gaaray Al-shabaab, iyada oo la diiday in loo dhawaado halka ay ka dhacday dqueynta, diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa inta badan duqeymo la beegsada saldhigyada Al-shabaab, waxaana duqeyntaan ay kusoo aadeysaa xilli dhawaan xubno ka tirsan ururka Al-shabaab oo ka gudbay xadka gobolka Hiiraan ay weerareen deegaano ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.