Home Wararka Gudaha Diyaaradaha dagaalka dalka Kenya oo Duqeymo culus ka geystay deegaano ka tirsan...

Diyaaradaha dagaalka dalka Kenya oo Duqeymo culus ka geystay deegaano ka tirsan gobolka Gedo

193
0

Arbaco-15-ta June 2022, (Gedo-xog-ogaal) Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Kenya ay saacadahii lasoo dhaafay duqeymo culus ka geysteen deegaano ka tirsan gobolka Gedo, deegaanada duqeymaha xoogan ay ka geysteen diyaaradaha dagaalka dalka Kenya ayaa kala ah likooleey, Buusaar, Garsaal iyo Ceel cadde, halkaas oo ay badi ku nool yihiin dad Xoolo dhaqato ah, waxaana duqeymahaasi ay geysteen khasaare kala duwan.

Dad gobjoogayaal ah oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa waxay sheegeen in duqeynta ay waxyeelo aanan la xaqiijin karin ay kasoo gaartay dad shacab ah, islamarkaana duqeymaha ay ku dhinteen Xoolo farabadan, majirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Gedo ee dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan duqeymaha culus ay ka fuliyeen diyaaradaha dagaalka dalka Kenya deegaano badan oo ka tirsan Gedo.

Diyaaradaha dagaalka dalka Kenya ayaa dhowr jeer oo hore waxay sidaan oo kale duqeymo khasaare xoogan geystay uga fuliyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Gedo, hayeeshee dowladda Kenya ayaa beenisa inta badan duqeymaha khasaaraha badan geysta oo ay ka fuliyaan gobolka Gedo.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.