Home Arrimaha Bulshada Diyaarad ku bur burtay dalka Kenya iyo Muwaadiniin Mareykan ah oo ku...

Diyaarad ku bur burtay dalka Kenya iyo Muwaadiniin Mareykan ah oo ku dhintay

897
0

Diyaarad nuuca qumaatiga uu lahaa Madaxweyne kuxigeenka dalka Kenya  ayaa ku bur burtay waqooyiga galbeed ee dalka Kenya, waxaana shilkan diyaaradeed ku dhintay duuliyihii Diyaarada iyo Muwaadiniin u dhashay Mareykanka.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa ku warantay in diyaaradan ay la socdeen Dalxiisayaal Mareykan ah Axaddii ku dhacday xarunta aadka loogu dalxiis tago ee Central Island National Par ee kutaala Waqooyi galbeed dalka Kenya.

Diyaaradan ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen duuliyihii diyaaradaha Mario Magonga iyo afar ruux kale oo u dhashay dalka Mareykanka, walina lama oga sababaha keenay shilkan diyaaradeed ee khasaraha dhaliyay.

Laamaha amaanka dalka Kenya ayaa loo diray aaga diyaarada ku dhacday si ay usoo qaadaan meydadka dadka dhintay, waxaa sidoo kale la bilaabay baaritaano ku aadan waxa dhaliyay shilkan diyaaradeed.

Shilkan diyaaeradeed ee Kenya ka dhacay ayaa kusoo aadaya xili sadex isbuuc kahor diyaarad nuuca yar yar ay ku dhacday kayn ku taalla Kericho oo ka tirsan gobolka Rift Valley , waxaana ku dhintay shilkaasi dadkii la socday.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.