Home Wararka Gudaha Diyaarad ay leeyihiin ciidamada Kenya oo shil ku gashay magaalada Dhoobley

Diyaarad ay leeyihiin ciidamada Kenya oo shil ku gashay magaalada Dhoobley

214
0

Diyaarad ay leeyihiin Ciidamada milatariga Kenya ayaa ku dhacday garoonka diyaaraddaha ee magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose Soomaaliya.
Diyaaradaan oo sahay u siday ciidamada Kenya ee ku sugan saldhiga Dhoobley, ayaa la sheegay inay dhacday markii ay isku diyaarinaysay inay cagaha dhigato garoonka.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo ahaa duuliyihii diyaaradda ayaa ku geeriyooday, waxaana sidoo kale jira dad ku dhaawacmay.

Ciidanka Kenya wali faahfaahin kama bixin dhacdadaan. weli Lama oga sababta keentay bururka diyaaradan.

Soomaaliya shilalka diyaaradaha, ayaa noqday kuwo taxane ah muddooyinkii ugu dambeeyay.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.