Home Wararka Gudaha Diiwaangelinta Ergooyinka Dooranaya Golaha shacabka oo Muqdisho ka bilaabatay (Sawirro)

Diiwaangelinta Ergooyinka Dooranaya Golaha shacabka oo Muqdisho ka bilaabatay (Sawirro)

137
0
Guddiga Maamulka Doorashada Kuraasta gobolada waqooyi Somaliland( SEIT) ayaa maanta bilaabay Diiwaangelinta ergooyinka kuraasta Gollaha Shacabka ee tirsigoodu yahay HOP#239 iyo HOP#237,.
 
Diiwaangelinta Ergooyinka ayaa si habsamiya uga socota xarunta Villa Rosa ee magaalada Muqdisho halkaas ay ku howlgalaan Guddiga Maamulka Doorashada Kuraasta gobolada waqooyi Somaliland( SEIT).
 
 
Guddiga doorashada Gobolada Waqooyi ayaa sidoo kale wada qabashada Codsiga araajida musharixiinta u tartameysa labada kursi ee sumadooda kala yihiin HOP#239 iyo HOP#237, kuwaa oo la filayo in doorashadooda dhawaan ka dhacdo Muqdisho.
 
 
Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa ku sugan xarunta Lagu diiwan galinayo ergooyinka yo musharixiinta, iyagoona xaqiijinaya dhamaan hanaanka iyo Habraacyada Doorashada Gollaha Shacabka.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.