Home Wararka Gudaha Dhinacyadii ku dagaalamay degmada Baraawe oo la kala qaaday

Dhinacyadii ku dagaalamay degmada Baraawe oo la kala qaaday

136
0

Waxaa goordhow la kala qaaday Ciidamada Ammaanka degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose  iyo maleeshiyaadka hubeysan ee ishor-fadhiyay gudaha Magaalada.

Odayaasha Dhaqanka Baraawe & mas’uuliyiin katirsan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku guuleystay inay dabaqyada ka dejiyaan dhinacyada saarnaa ee dagaalka uu dhexmaray.

Maleeshiyaadka hubeysan oo kasoo horjeeda habka loo maamulay dhismaha Golaha degaanka Baraawe ayaa shalay waxaa ay degmadaas kula dagaalameen Ciidamada Ammaanka.

Qaar kamid ah Beelaha degmada Baraawe ayaa cabasho ka muujiyay habka loo qeybsaday Golaha degaanka, iyaga oo sheegay in wixii ay xaqa u lahaayeen aan la siin.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.