Home Wararka Gudaha Dhimasho & dhaawac ka dhashay shil gaari oo ka dhacay Magaalada Garoowe

Dhimasho & dhaawac ka dhashay shil gaari oo ka dhacay Magaalada Garoowe

67
0

Talaado 8-da November 2022, (Garoowe-xog-ogaal) Inta la xaqiijiyay laba Ruux ayaa geeriyootay laba kalena waa ay dhaawacmeen kadib Shil gaari oo Maanta ka dhacay Magaalada Garoowe ee Caasimadda dowlad Goboleedka Puntland, shilka ayaa waxaa uu yimid kadib markii gaari dhayne ah oo  siday shaqaale xoogsato oo ka yimid xeryaha barakacayaasha ee duleedka bari ee magaalada Garowe uu rogmaday, xilli uu isku dayay inuu meel dalcad ah laamiga kasoo fuulo.

Goobjoogayaal ayaa Risaala u sheegay in laada qof ay u geeriyoodeen dhaawac culus oo kasoo gaaray Shilka, halka Dadka dhaawacmay oo ay ku jiraan kuwo dhaawacoodu culus yahay la geeyay Isbitaalka Magaalada Garoowe, ciidamada ilaalada waddooyinka Puntland ee Taraafikada iyo dadweyne ayaa tegay halka uu shilka ka dhacay, iyaga oo gurmad u sameeyay dadka ku waxyeeloobay shilka gaari.

Dhowr jeer ayaa shilal Gaari ay ka dhaceen magaalada Garoowe, waxaana shilkaan uu yahay kii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhacay magaalada Garoowe iyo degaannada ku xeeran.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.