Home Wararka Gudaha Dhimasho & dhaawac ka dhashay qarax ka dhacay degmada Afgooye

Dhimasho & dhaawac ka dhashay qarax ka dhacay degmada Afgooye

143
0

Arbaco 20-ka July 2022, (Afgooye-xog-ogaal) Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu Aaso  ayaa ka dhacay gudaha degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa Maanta lagula eegtay Ciidamo katirsan Booliska degmadaas, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho & dhsawac ah, Shacabka Degmada ayaa sheegay in Ciidamada xilliga qaraxa lala beegsanayay ay marayeen wadada ka timaada dhinaca Haantadheer ee gasha Suuqa Ariga & khudaarta, waxaana ku geeriyooday qaraxa hal Askari iyo kaaba markhaatigii Suuqa khudaarta oo Magaciisa lagu soo koobay Muqtaar halka Saddex kale oo qof kamid ah uu yahay shacab ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada Booliska ee qaraxa lala beegsaday ayaa socdaalkoodii iska sii watay kadib saacado ay u xirneyd wadada oo inta badan maraan dadka ka Ganacsada Suuqa Khudaarta iyo Ariga iyo kuwa u adeeg doonta, dhowr jeer ayaa sidaan oo kale wadada u dhaxeeysa Haantadheer iyo Suuqa khudaarta ee degmada Afgooye qaraxyo lagula eegtay Ciidamo katirsan Booliska degmada, kuwaas oo waxyeelo kasoo gaartay, qaraxaan ka dhacay Maanta degmada Afgooye ayaa kusoo aadaya xilli Todobaadkaan uu degmadaasi booqday Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax, isaga oo Maamulka degmada kala hadlay sidii loo sugi lahaa Amniga loogana hortegi lahaa dilalka ka dhaca degmada.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.