Home Wararka Gudaha Deni oo wafdi ka socda Beesha Caalamka kala hadlay doorashooyinka

Deni oo wafdi ka socda Beesha Caalamka kala hadlay doorashooyinka

273
0

Axad 13-ka Maarso, (Garowe-xog-ogaal) Madaxweynaha Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qasriga Madaxtooyada ee Magaalada Garoowe ku qaabilay, Wefdi ay hoggaaminayso Ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho iyo Wafdi ay hoggaaminayso.

Wafdiga uu maanta qaabilay Madaxweynuhu waxaa ka mid ah Wakiilka Midowga Europe ee Soomaaliya Tiina Intelmann, Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira, Ku-xigeenkiisa Fiona Lortan iyo Ibraahim Mohamed Abdi oo ka socda IGAD, kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Doorashadda iyo Abaaraha, waxaana Madaxweynaha Kala qeybgalay Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.