Home Wararka Gudaha Deni oo kulan degdeg ah la yeeshay taliyayaasha ciidamada gobolada Puntland

Deni oo kulan degdeg ah la yeeshay taliyayaasha ciidamada gobolada Puntland

128
0

Isniin 27-da June 2022, (Garoowe-Xog-ogaal) Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray dhamaan taliyayaasha ciidamadda gobolada Puntland, iyadoo kulanka uu ka dhacay Garoowe, si dhab ah looma oga waxyaabaha uu madaxweynaha kala hadli doono saraakiishan, waxeyse ku soo aadeysaa xili wali uu khikaaf kala dhexeeyo ku xigeenkiisa Karaash iyo dowladda cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh oo aanu isku wanaagsaneyn, maadaama uu ra’iisul wasaare ka waayay.

Go’aankan ayaa ku soo aadaya xilli amni daro laga soo sheegayo qaybo kamid gobolada hoos yimaada maamulka Puntland, xili waxaana Galkacayo iyo degmooyin Mudug ah maalmahaan kooxo hubeysan ay qabsanayeen baraha kontroolada, sidoo kale isu yeerida taliyayaasha ayaa ku soo aaday iyadoo dhawaan ay aheyd markii kooxo cabtooy ah ku dileen magaalada Qardho taliyahii saldhiga ee degamadaas.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.