Home Wararka Gudaha DEG DEG: Qarax Ismiidaamin oo ka dhacay Muqdisho

DEG DEG: Qarax Ismiidaamin oo ka dhacay Muqdisho

182
0

Qarax xooggan ayaa goordhow ka dhacay agagaarka Ceelgaabta, kaasoo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Qiic iyo uuro ayaa la arkayay, iyadoo wararku sheegayaan qaraxa uu ka dhacay dhinaca Beerta Nabadda dhanka Koontaroolka Ceelgaabta ee lagu hubiyo baabuurta aada Madaxtooyada.

Illaa iyo hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha, waxana qaraxa ahaa mid xooggan oo laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxyada loo adeegsado gawaarida waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyo ayaa muddooyinkii u dambeeyay yaraaday, hase ahaatee waxaa kordhay qaraxa qofka jaakadaha qarxa soo xirta ee goobaha dadka fariistaan isku qarxiya.

La soco wixii warar ee ku soo kordha XOG-OGAAL MEWSPAPER

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.