Home Wararka Gudaha Dawladda Eritrea Oo Si Adag Uga Jawaabtay Hadal la sheegay inuu Ka...

Dawladda Eritrea Oo Si Adag Uga Jawaabtay Hadal la sheegay inuu Ka Soo Yeeray Madaxweynaha Jabuuti

294
0

Madaxweynaha dawladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo waraysi siiyay wargeys Faransiis ah ayaa sheegay in ciidanka badda ee Itoobiya dhisanayso xaruntiisu noqonayso dekedda Masawac ee dalka Ereteriya sida ay baahisay warbaahinta Ertrean Press.

Arrintan ayaa guux ka abuurtay Ereteriya, islamarkaana waxa baraha bulshada kaga dareen celiyay saxaafadda iyo bulshada Ereteriya.

Wasiirka warfaafinta ee Ereteriya Yemane G. Meskel ayaa si kooban ugu jawaabay madaxweynaha Jabuuti Mr Geelle waxaanu sheegay in aanu garanayn goorta Geelle noqday afhayeenka Itoobiya laakiin, warka uu sheegay uu yahay been sida uu yiri.

Sida laga soo xigtay waraysiga Madaxweyne Geelle wuxuu sheegay in madaxweynaha Faransiisku u sheegay in saldhigga Itoobiya ee ciidanka baddu noqonayo Masawac oo Ereteriya ah. Waxa saldhigga dhismihiisa iyo asaasidda ciidanka badda Itoobiya gacan ka gaysanaya dawladda Faransiiska.

Muddo dheer ayaa laga faalloonayay halka uu noqon doono fadhiisinka ciidanka badda ee Itoobiya doonayso in ay si dhakhso ah u dhisato taas oo uu dardar geliyay ra’isal wasaare Abiy Axmed kadib markii la kala diray markii Ereteriya ka go’day Itoobiya ee dalka Itoobiya noqday bilaa bad. Waddamada la filayay in saldhiggu noqdo waxaa ka mid ahayd Somaliland.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.