Safiirka Maraykanka u qaabilsan arrimaha Soomaalida danjire Donald Yamamoto ayaa lagu wadaa inuu dhawaan socdaal ku tago Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland , waxaanu socadalkiisu noqon doonaa kii u horeeyay ee uu Hargeysa ku yimaado tan iyo markii bishii julay ee kal hore xilkan loo magaaabay.
Sida lagu daabacay qaar ka mid ah warbaahinta ka howlgasha deegaanada Somaliland,waxaa uu doonayaa inuu kulamo la yeesho madaxda maamulka Somaliland gaar ahaan madaxweynahaSomaliland Muuse Biixi Cabdi inkasta oo aan la faahfaahin waxyaabaha uu daaran yahay safarkiisa hargeysa
Danjire Yamamoto oo khabiir ku ah arrimaha gobalka Geeska Afrika,islamarkaasna hore u ahaa safiirka Maraykanka ee Itoobiya, ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho ee Soomaaliya, waxaana uu dhawaan Booqasho aan la sii shaacin ku tagay maamulada Puntland iyo Jubbalanad isaga oo kulamo la yeeshay madaxweynayaasha maamuladaasi siciid C/llaahi dani iyo Axmed Maxamed Islaam