Home Wararka Gudaha Dagaal Markale Saaka Ka Bilowday Magaalada Guriceel

Dagaal Markale Saaka Ka Bilowday Magaalada Guriceel

96
0

Wararka ka imanaya magaalada Guriceel ayaa sheegaya in goordhow uu markale ka bilowday dagaal u dhexeeya ciidamada dowlada iyo kuwa Ahlu Sunna.

Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu ka bilowday aagag cusub oo aan ahayn kuwii shalay uu dagaalku ka dhacay.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu si xoog ah u socdo isla markaana la isu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka u dhexeeya ciidamada dowlada iyo kuwa Ahlu Sunna ayaa waxaa shalay uu ka bilowday magaalada Guriceel iyadoo dagaalka uu sababay dhimasho iyo dhaawac badan.

Dadka ku dhintey dagaalkii shalay ayaa waxaa kamid ahaa saraakiil labada dhinac oo uu ka mid ahaa taliyihii ciidamada DANAB ee Maamulka Galmudug.

Ciidamada Ahlu Sunna ayaa waxaa ay ku sugan yihiin dhinaca Waqooyi ee magaalada Guriceel halka dhinaca Koofureedna ay ku sugan yihiin ciidamada dowlada.

Dagaalka ayaa waxaa ku biirey ciidamo ka socda qeybta 27aad halka ciidamo gurmad ah ay u yimaadeen ururka Ahlu Sunna.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa shalay gelinkii dambe la soo gaarsiiyay ciidamo iyo dad rayid ah oo ku dhaawacmay dagaalkii shalay,sidoo kale waxaa la dhigey isbitaalada magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusmareeb dadkale oo dhaawac ah,

crackthunder.com

fullwarezcracks.com

techiedownloads.com

usecrack.com

imagerocket.net

techbytecode.com

pspdev.org

takwin.info

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.