Home Wararka Gudaha Dagaal khasaare badan geystay oo ka dhacay deegaanka Cadakibir ee gobolka Galgaduud

Dagaal khasaare badan geystay oo ka dhacay deegaanka Cadakibir ee gobolka Galgaduud

198
0

(Cadakibir-xog-ogaal) Warar dheeraad ah ayaa laga helaya dagaal xoogan oo khasaare badan dhaliyay oo Al-shabaab iyo ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ku dhexmaray deegaanka lagu magacaabo Cadakibir.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-shabaab weerar xoogan ku qaadeen gudaha deegaanka Cadakibir oo qiyaas ahaan dhanka bari 60 KM uga beegan degmada Cadaado, waxaana dagaalka uu ahaa mid la isku adeegaaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararku waxay sheegayaan in dagaalka uu ku dhintay taliyahii guutada 13-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle dhexe Cali Maxamed Soocade iyo sadax askari oo kale, waxaana wararku intaasi ku darayaan in dhaawacyo halis ah ay gaareen qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka xoogga dalka.

Al-shabaab oo sheegatay masuuliyada weerarka ayaa guulo ka sheegatay dagaalka ka dhacay deegaanka Cadkibir oo ay sheegeen iney si buuxdo ula wareegeen gacan ku heynta deegaankaasi, islamarkaana ay ku dileen dagaalka sadax askari.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii dagaalamayaal katirsan Al-shabaab weerar xoogan ku qaadeen deegaanka Baxdo oo u dhaw deegaanka Cadakibir, halkaas oo ay iska caabin xoogan kala kulmeen ciidamo ku sugnaa oo garab ka helay dadka deegaanka Baxdo.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.