Home Wararka Gudaha Dagaal Ka Socda Degmo Ka Tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose

Dagaal Ka Socda Degmo Ka Tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose

249
0

Dagaal beeleed u dhexeeya labo maleeshiyo ayaa shalay subax  ka qarxay degmada Wanla-weyn Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare kala duwan sida ay sheegayaan dad ku sugan degmadaasi.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta  u sheegay in maleeshiyaadka hubeysan ee ku dagaalamaya degmada Wanla-weyn ay isku hesytaan fariisin isbaaro ah oo Gaadiidka lacagta looga qaado oo ku yaalla halkaasi.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhashay dagaalka ka socda Wanla-weyn,isla markaana uu soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalku dhexmarayo.

Guddoomiye kuxigeenka dhinaca Dhaqaalaha ee Maamulka degmada Walaweyn Maxamed Cabdullaahi Koosto ayaa sheegay in dagaalkaas ay ku geeriyoodeen ilaa 7 Ruux in ka badana ay ku dhaawacmeen.

Waxa uu sheegay in maleeshiyaad isbaaro u taallay Galbeedka degmada Walanweyn ay soo weerareen Maleeshiyaad kale, hayeeshee xaaladu ay hadda tahay mid degan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here