Talaado 5-ta July 2022, (Afgooye-xog-ogaal) Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Ciidamo katirsan kuwa Millateriga Soomaaliya iyo Xubno kamid ah Ururka Al-Shabaab ku dhexmaray degaanka Sabiid oo kamid ah degaannada hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Ciidamada dowladda ee fariisinka kuleh Buundada degaanka Sabiid, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
wararka qaar ayaa ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalka uu ku dhaawacmay hal askari oo katirsan Ciidamada dowladda, waxaana dagaalka sidoo kale uu saameyn ku yeeshay dadka degan agagaarka xerada Ciidamada dowladda ee degaanka Sabiid oo hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Sabiid ayaa sheegaya in xaalada ay tahay mid degan, isla markaana isku socodka dadka iyo Ganacsiga uu yahay degaanka mid caadi ah.