Home Wararka Gudaha Dagaal ka dhacay Laas-Caanood & Madaafiic lagu garaacay Magaalada

Dagaal ka dhacay Laas-Caanood & Madaafiic lagu garaacay Magaalada

14
0

Sabti 18-da Maarso 2023, (Lascaanood-xog-ogaal) Dagaal aad u xooganaa, isla markaana saacado badan qaatay ayaa saaka duleedka Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool waxaa uu ku dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka ee la Magac baxay SSC, davaalka ayaa sigaar ah uga dhacay Bariga Magaalada Laas-Caanood iyo Aaga Saldhigga Ciidamada Somaliland ee Goojacadde, waxaana dagaalka Maanta ka dhashay khasaaro xoogan oo labada dhinac soo kala gaaray.

Saraakiil katirsan Ciidamada SSC ayaa Warbaahinta u sheegay in ay Ciidamada Somaliland kala wareegeen Saldhigyo horleh, sidoo kalena ay ka qabsadeen Gaadiid dagaal iyo Maxaabiis dhowr ah, wararka aan ka heleyno Gudaha Magaalada laas-Caanood ayaa sheegaya in tiro madaafiic ah ay kusoo dhaceen Gudaha Magaalada, isa markaana burbur xoogan ay u geysteen Xarumo iyo guryo kuyaalla Magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.