Khamiis 29-ka September (B/weyne-xog-ogaal) Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa Maanta waxaa uu ka dhacay degaanka Ceelqooxle oo hoostaga degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan, kaas oo geystay khasaaro kala duwan, dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka oo dhinac ah ay weerar ku qaadeen degaanka Ceelqooxle oo kuyaalla xadka Gobolada Hiiraan & Shabeellaha Dhexe dhinaca degmada Aadan yalaab, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.
Guddoomiyaha degmada Maxaas ee G/Hiiraan Muumin Maxamed Cilmi ayaa sheegay in khasaaro ay Al-Shabaab ku gaarsiiyeen dagaalka, balse uusan wax faah faahin dheeri ah ka bixin, isaga oo sheegay in howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii socon doonaan, sidoo kale wuxuu sheegay in Ciidamada xoogga dalka iyo dadka degaanka ay ka hortagayaan dhibaatada ay dadka ku hayaan Al-Shabaab, isla markaana ay ka guuleysanayaan.
Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa degaano katirsan Gobolka Hiiraan waxaa ka socday howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, iyada oo Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka ay la wareegeen degaano dhowr ah oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.