Isniin 30-ka May 2022, (Afgooye-xog-ogaal) Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa xalay xili dambe waxaa ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, dagaalka ayaa sigaar ah uga dhacay Buundada yar ee degmada Afgooye oo fariisinka ku leeyihiin Ciidamada dowladda, waxaana dagaalka sida la sheegay ka dhashay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca laba kale.
Saraakiisha Amniga degmada Afgooye iyo mas’uuliyiinta Maamulka ayaan si faah faahsan uga hadlin weerarka Al-Shabaab, hayeeshee wararka saaka nasoo gaaraya ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan isla markaana isku socodka Ganacsiga iyo Gaadiidka ay yihiin kuwo si caadi ah u Shaqeeynaya.
Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weeraray Saldhigyada Ciidamada dowladda ee Degmada Afgooye, iyaga oo gudaha degmadaas ka geystay dilal qorsheysan, balse Maamulka degmadaas ay sheegeen inay adkeyn doonaan Amniga Guud ee degmada si looga hortago weerarada iyo falalka ay geystaan Al-Shabaab.