Isniin 25-ta July 2022, (Feer Feer-xog-ogaal) Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in dagaal u dhaxeeya Ciidamada Liyuu boolis iyo Al Shabaab uu ka qarxay aaga deegaan-ka laasqurun oo 20KM u jirta Degmada Feerfeer ee dowlad deegaanka.
Weerarka waxa qaaday ciidamada sida gaarka u tabaran ee Liyuu Boolis lamana oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka ka bilaawday degaanka Laasqurun oo u dhaxeya degmooyinka Feerfeer iyo Shilaaba ee DDS, dhawaan ayey aheyd markii la xaqiijiyay in dagaal yahana ka tirsan Al shabaab ay ka talaaben xadka gobalka Hiiraan uu la wadaago Soomaali Galbeed.