Home Wararka Gudaha Dadaallada lagu raadinayo xilka Ra’iisulwasaaraha oo ka socda Muqdisho

Dadaallada lagu raadinayo xilka Ra’iisulwasaaraha oo ka socda Muqdisho

139
0

Sabti 21-ka May 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Dadaallada lagu raadinayo xilka Ra’iisulwasaaraha ayaa ka socda magaalada Muqdisho, waxaana Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu qaabilay saacaddihii lasoo dhaafay siyaasiyiin qaarkood si weyn looga yaqaano siyaasadda, madaxweynaha Puntland ayaa wali ku sugan magaalada Muqdisho,waxaana lagu soo waramaya in uu dhankiisa waddo dadaallo ku aadan sidii xilkaasi uu mari lahaa dhanka maamulka Puntland.

Qaar ka mid ah xildhibaanadii doortay Xasan Sheekh Maxamuud ee ololihiisa hormuudka u ahaa dhankooda wadda shaqsiyaad ay u arkaan in ay yihiin kuwo u qalma in ay noqdaan Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya.

Madaxweynaha cusub ayaa lagu soo waramaya in dhankiisa wali uusan qaadan go’aan ku aadan cida noqonaysa ra’isul wasaaraha, waxaana sanadkaan Jubbaland ay dadaal ugu jirta qof dhankeeda ka socda uu noqdo Ra’iisulwasaaraha, madaxweynaha cusub ayaa xilka la wareegi doona maalinta isniinta ah ee soo socota, ka dibna 30 maalmood guhahood ayuu ku dhawaaqi doona Ra’iisulwasaaraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.