Home Wararka Gudaha Cumar Filish oo ka hadlay qaraxyadii & dilalkii ka dhacay Muqdisho

Cumar Filish oo ka hadlay qaraxyadii & dilalkii ka dhacay Muqdisho

119
0

24 Feberaayo, ( Mogadishu-xog-ogaal) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxaned (Filish) ayaa si kulul uga hadlay qaraxyadii iyo dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdieho, kuwaas oo ay ku dhinteen mas’uuliyiin iyo Shacab intaba.

Cumar Filish waxaa uu sheegay in maalin walba loo soo gudbiyo xogta qaraxyada iyo dilalka ka dhaca Muqdisho, balse ay jiraan dhibaatooyin intaas oo dhan ka daran oo ay geystaan dadka isticmaala waxyaabaha maanka dooriya.

Sidoo kale wuxuu sheegay guddoomiyaha in inta ku dhimata qaraxyada & dilalka ay geystaan Al-Shabaab ay Shan jeer ka badan tahay kuwa ay geystaan dadka maandooriyaha isticmaalka, wuxuuna sicad u sheegay in ay jiraan dad ka dambeeya in dadka Soomaaliyeed siyaabo kala duwan loo dilo.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa wuxuu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay kala gartaan cadawgooda iyo saaxiibkood, isla markaana meel uga soo wada jeestaan kuwa dhibaatada amni darro geysanaya.

Hadalkaan kasoo yeeray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxaned (Filish) ayaa kusoo beegmaya xilli bilihii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho ay ka dhaceen qaraxyo ay dad badan ku dhinteen iyo dilal qorsheysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.