Isniin 9-ka August 2022, (Muqdisho-Xog-ogaal) Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin magacaabista golaha wasiirada cusub, xiriirka Soomaaliya & Itoobiya, Cumar C/rashiid oo la hadlay Tv-ga HBN ayaa sheegay in xukuumadda cusub ee Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre looga fadhiyo inay la timaado qorshayaal amni oo ugu horeeyo sugidda amniga caasimadda.
Wuxuu sheegay in amniga guud ee dalka uu ku hagaagi karo in marka hore la sugo amniga caasimadda lagana hortago weerarada Al-shabaab iyo ciyaal weerada dadka waddooyinka ku dilaya, Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cumar C/rashiid oo ka hadlay magacaabistii Muqtaar Rooboow oo ka mid noqday golaha wasiirada Soomaaliya ayuu sheegay inay tahay arin wanaagsan balse loo baahanyahay in dowladda hadda jirta ay uga faa’iideysato sidii dalka looga saari lahaa Al-shabaab.